Shacabku Farmaajo rajo badan ayay ka sugayaan ama u qabaan hadaan lays xaqirayn..WQ,Jibril Qoobey

Shacabku ninkan rajo badan ayay ka sugayaan ama u qabaan hadaan lays xaqirayn.

Maanta askari damcay in uu ka xigsado ama ka cesho salaanta shacabka laba geed ayuu kala booday madaxweyne Farmaajo.

Rajadu ma xuma hadalkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa Muqdisho kulama tatami karto caasimad Adis-ababa iyo Nairobi baroon iyo dhashiike dhexmaraya ee waxay kula tartami kartaa Nabad iyo dib u dhis,waa meel galaa uu meel fog ugu tagay.

Shacabka somaliyed ee ku nool muqdisho maanta,intooda badan waxay kasoo jeedaan Beesha hawiye,waana beeshii lagu xamanayay in ay hortaagnayd dib usoo laabashada qaranimada dalka,balse maanta waxay muujiyeen bisayl iyo in ay kasoo daaleen colaadihii ,isla markaana aad u rabaan nidaamkii dawliga ahaa oo soo laabta.

Maanta waxay shacabka muqdisho muujiyeen in aysan dhag jalaq usiinayn siyaasiga hawiye ee moorayaanka ah,ganacsadaha danaystaha iyo saxafiga ku bahaloobay laaluush ku qaadashada buunbuuninta beenta iyo xumaanta.

Isku soo wada duuboo rajo ayaa muuqata,somaliyana in ay dib usoo kabato kaabada ayay soo saaran tahay.

Amaanta ugu weyn ee aan u hayo madaxweyne farmaajo waa doorashada Ra’isalwasaare Khayre oo u doortay in uu noqdo Ra’isalwasaaraha dalka.

Jibril Qoobey.