Shilal Baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac masuuliyiin iyo askar oo ka kala dhacay Bosaso iyo Garowe

Cabdinaasir Maxamuud Gurey Agaasimaha maamulka madaxtooyada,ayaa Salaaddii Maqrib ka hor ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay agagaarka Kantaroolka Garowe xilli isaga iyo masuuliyiin kale ay lugaynayeen laamiga hareertiisa.
 
Goob joogayaal ayaa cadeeyay in mas’uulkan iyo qof kale oo la socday uu ku ag rogmaday baabuur safar ahaa, waxaana soo gaaray dhaawac sahlan.
 
Dhanka kale Gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamada Puntland,ayaa ku rogmaday duleedka magaalada Bosaso.
 
Shilkaas waxaa ku dhintay hal askari waxaana ku dhaawacmay afar kale.
 
Askarta dhaawaca ayaa la gaarsiiyay isbitaalka Bosaso,halkaas oo lagu dabiibayo dhaawacooda.