Video:-Wararkii ugu danbeeyay ee weerarkii London ee xalay

Booliska magaalada London ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in todoba qof ay ku dhinteen 48 kalena ay ku dhaawacmeen wax ay ku tilmaameen fal argagixiso oo xalay ka dhacay magaaladaasi.
 
Saddex qof oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen dadkii weerarka fuliyay ayaa waxaa toogasho ku dilay booliska.
Weerarka ayaa bilowday ka dib markii gaari la jiirsiiyay dad lugaynayay oo marayay buundada caanka ah ee London Bridge.
 
Mid ka mid ah gobjoogeyaashii halkaa ku sugnaa markii uu weerarka dhacayay ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay saddex nin oo mindiyo ku hubeysan isla markaana ordaya meel u dhaw buundadaasi.
 
Waxa uu intaasi ku daray in dhowr qof oo waddada marayay ay raggaasi tooreey la dhaceen.
 
Daqiiqado kaddib waxaa goobta gaaray booliska, waxaana la maqlay rasaas,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka