Madaxweyne Farmaajo ku wajahan kismaayo iyo Qarax xoog leh oo ka dhacay magaaladaas

Ugu yaraan hal askari oo booliis ah ayaa ku dhintay labaatan kale ayaana ku dhaawacantay qarax lagu bartilmaameedsaday saldhig booliis oo ku yaalla magaalada Kismaayo.

Askarta la qarxiyay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa baambeyda.

Qaraxani wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maalin uun ay inaga xigto booqasho la filayo in uu Kismaayo ku tago madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ururka AlShabaab ayaa inta badan sheegta masuuliyadda qaraxyada lala bartilmaameedsado laamaha ammaanka ee ka dhaca Koonfurta Soomaaaliya.

Magaalada Kismaayo waxaa lagu tilmaamaa magaalooyinka ugu ammaan badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya in kastoo ay Shabaab wali ka taliyaan deegaanno ka tirsan maamulka Jubbaland.