Video:-Faahfaahin dheeriya oo laga helayo qaraxii kismaayo ka dhacay maanta

Taliyaha Booliska gobolka jubaland Max’ed Naasir Guuleed oo saxaafada la hadla qaraxa kadib,ayaa sheegay in qaraxa uu ku geeriyooday hal askari oo magaciisa uu ku sheegay Faysal yare,halka ay ku dhaawacmeen shan askari oo kale.
 
Talye Cabdinaasir, ayaa beeniyay in waxa qarxay ay ahayd miino goobta lagu aasay, isagoo sheegay in qashin ay ciidamada ku gubayeen saldhigga uu ku dhex jiray qalabka Oxgeyka oo qarax sameeyay.
 
Qaraxa ayaa dhacay xilli kooxda Baambeeyda Jubaland ay sameeynayeen tijaabooyin ay ugu diyaargaroobayeen soo dhaweynta Madaxweeynaha fadaraalka Max’ed C/laahi Farmaajo, kaasoo la filayo in uu maalinta berito ah soo gaaro Kismaayo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka