Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo booqday xarumaha ciidamada Jubaland

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweynaha Jubbaland ,ayaa booqday Xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay ku xaraysan yihiin Ciidamada Federaalka isku dhafka ah, waxaana ay salaam ka qaateen cutubyo kala duwan oo katirsan SNA.
 
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay dhamaysteen dhamaan tababarkii ay u baahnayeen hadana ay u xayiran yihiin hub la’aan taas oo dhaliisheeda ay leedahay Dowladda Federaalka ah, isagoo ugu danbayn sheegay in Dowladda Federaalka ah laga sugayo in Ciidamadan ay meel saarto tasiiladka ay u baahan yihiin si ay u hawlagalaan .
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay sida ugu dhaw u keeni doonto dhamaan agabka Ciidamadan ka maqan isla markaana ay hawlgali doonan, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.
 
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socday waxay booqdeen Xarunta tababarka Ciidamada Darawiishta Jubbaland halkaas oo Ciidamo tababar dhamaystay ay kula hadleen.
 
Booqashada Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qaadan doonta mudo kooban oo aan la shaacin, isagoo kulamo la qaadan doona Madaxda Dowlada Jubbaland iyo bulshada waxaana kadib uu ku laaban doona Magaalada Muqdisho.