Sawiro:-Ra’isalwasaare Khayre oo dajiyay kacdoonkii ganacsatada Muqdisho

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay Dekeda muqdisho,ka gadaal markii khilaaf xoog leh soo kala dhexgalay shirkada maamusha Dekeda iyo ganacsatada Dekeda isticmaasha.
 
Shirkadda Turkiga ee maamusha dekadda Muqdisho ayaa adeega ay ka biyo diidsan yihiin ganacsatada muqdisho oo ay sheegeen in uu yahay qaali waxay ufudisaa ganacsatada Dekeda isticmaasha.
 
Khilaafkaan ayaa yimid kadib markii wiishka ay isticmaasho shirkaada Albeyrak uu jabay, kaasoo hakad geliyay adeegii ganacsatada, waxayna ganacsatadu keensadeen wiish markabka alaabaha kasoo dejiya oo ay soo kireysteen, waxayna shirkadda Turkiga ku amartay in ay bixiyaan lacagta dejinta.
 
Ra’isalwasaare Khayre oo gaaray Dekeda markii khilaafkan cusub uu soo baxay,ayaa xaliyay,isla markaana dajiyay xaaladii kacsanayd ee u dhaxaysay ganacsatada iyo shirkada maamusha Dekeda.
 
“Waa iney helaan Ganacsatada Soomaaliyeed qadarin gooniya si loo dareensiiyo iney dalkan iyagu leeyihiin, taasina waxaa keeni karta iyadoo loo fududeeyo ganacsigooda” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre..