Video:-Daawo sida uu dhacay dagaalkii dhexmaray Booliska Australia iyo wiil somaliya oo la dilay

Wararka ka imaanaya dalka Australia ayaa sheegaya in booliska dalkaasi ay toogasho ku dileen nin Soomaali ah oo hubeysan oo afduub iyo dil ka geystay gudaha magaalada Melbrourne.

Booliska dalka Australia ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso, waxa ayna sheegeen in Yacquub Kheyre uu dhismo ku yaalla magaaladaasi ku qafaashay qof dumar ah ka hor inta ay boolisku toogasho ku dilin.

Yacquub Kheyre ayaa la sheegay in sanadkii 2009 loo xiray eedeymo ah in uu qorsheynayay weerar ka dhan ah xero milatari oo ku taala magaalada Sydney balse markii dambe dambi lagu waayay.

Kheyre ayay boolisku toogasho ku dileen kaddib muddo kooban oo ay is rasaaseyn dhex martay isaga iyo booliska.

Weerarkaasi waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo booliska ka tirsan.,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka