Video:-Madaxweyne Trump”Anigaa amray in Qatar xiriirka loo jaro”

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa sheegtay in kuu ka dambeeyay caddaadiska ay dalalka Khaliijku saareen dawladda Qadar.

Trump ayaa sheegay in markii uu dhawaaan booqday Sacuudiga loo sheegay in dalka Qadar uu maalgaliyo “aragtida xagjirka ah”

“Markii aan booqashada ku tagay Bariga Dhexe waxaan carrabka ku adkeeyay in aan hadda ka dib la maalgalin karin aragtida xag jirka ah” ayuu yiri Trump.

Socdaalkaygii “wuu miro dhalay” ayuuna sii raaciyay madaxweynaha Maraykanku.

Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Isutagga Imaaraadka Carabta, Yemen iyo Dawladda Liibiya ee ku sugan dhanka bariga iyo dalka Maldives ayaa dhammaantood u jaray calaaqaadkii dublamaasi iyo xiriirradii kale ee ay la lahaayeen dawladda Qadar.

Waxay ku eedeeyeen in ay teegeerto argagixisada gobolka.

Dawladda Masar ayaa sheegtay in ay diyaaradaha Qadar ka xiranayso hawadeeda iyadoo uu sii korayo muranka dublamaasiyadeed, waxaana la filayaaa in Sacuudi Carabiya iyo Baxraynna ay sidaas oo kale sameeyaan Talaadada.

Muwaadiniinta Qadar ee ku nool Baxrayn, Sacuudi Carabiya iyo isutagga Imaaraadka Carabta ayaa loo qabtay labo todobaad in ay dalkooda ku aadaan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka