Video:-Qatar oo xayiraadka dhanka cirka ahna lagu soo rogay

Masar ayaa sheegtay in ay hawadeeda ka xiranayso Qadar Talaadada marka ay saacaddu ku beegantahay 7 subaxnimo ee wakhtiga Bariga Afrika ama 04:00 GMT ayna socon doonto ilaa iyo inta amar dambe laga soo saarayo.
 
Waxaa la filayaa in khalkhal uu ku yimaaddo garoommada magaaalada Dooxa ee caasimadda u ah dalka Qadar maadaama oo ay sii maraan duulimaadyo badan oo u kala socda daafaha caalamka.
 
Shirkadaha Diyaaradaha ee ay saamaynayso waxaa ka mid noqon doona Qatar Airways, Etihad Airways iyo Emirates.
Haddii diyaaradaha Qadar ay ka weecdaan hawada baaxadda wayn ee dalalka ay dariska yihiin waxay markaas ku qasbanaan doonaan in duulimaadyadu ay qaataan wakhtiyo intii hore ka badan.
 
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Sheekh Maxammed Bin Cabduraxmaan Al Thani ayaa warbaahinta Al Jazeera u sheegay “in diyaaradahoodu ay wali awoodi doonaan in dunida u socdaalaan iyaga oo adeegsanaya baddaha iyo hawooyinka caalamiga ah”.
 
Masuul aan magaciisa la shaacinin oo dawladda Soomaaliya ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in ay hawada Soomaaliya isticmaaleen 15 diyaaradood oo ay leedahay shirkadda Qatar Airways Isniintii, kuwaas oo ka badan kuwii caadiyan u adeegsan jiran maalin qur ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka