KALA BARO ADEEGTADA AQALKA KA SHAQAYSA IYO BOQORADDA NOLOSHA KULA WADAAGTA.

1-Markay dhalato ,walqalkeedu waa hal neef wiilkana waa labo neef.

2-Markay soo kacdo oo gabar muuqata noqoto hala dhufaanno
.
3-Markay gashaanti noqoto madax iyo majo halaga duubo sidii qof Kafan la galiyay .

4-Marka la guursanayo ninbaa bixinaya xataa mid doqona ha ahaadee.

5-Marka la xanaaqo WAA KU FURAY bay ku furantaa
Xataa haday sagaal dhashay.

6-Markay wax barato xil ma qaban karto,maamuuska iyo milgaha ragga unbaa leh

7-Caweyska iyo sheekada iyo maaweelada Ragga unbaa leh iyada guriga iyo Qabriga ayay ku khayr badan tahay.
WAXAAS oo dhan waa been aan Raad lahayn#

B-Waa qof kula Siman
من عمل صالحا من ذكر أو أنثي
1-Walqalka Way ka Siman yihii in kastoo uu Maanfurku ku baaqay, intii ilmaha dhashay, dhig iyo gawrac loogu
Dabaaldagi lahaa ,geed haloo talaalo nolol baa nolol loogu abaal gudaa هل جزاء الا حسان إلا الا حسان

2-Gudniinka gabdhuhu waa caado jaahili ah Sunni iyo fircooni ma kala laha, waa in aan la taaban waxa la jaraa Wa buuryo gabdhuhu buuryo ma laha, Qofka gabar dhufaana wuxuu mutaysanayaa xeerka ciqaabta dalka ,

3-Labiska gabadhu waa astur waafaqsan dhaqanka umadda soomaaliyeed,Foodley iyo ganbooley kay doonto ha ahaatee, waa inuu waafaqsan yahay cimilada iyo caadada ee uusan noqon wax meel kale laga soo waariday.

4-Uma baahna in sidii wax aan masuul qaadi karin loola dhaqmo oo uu bixiyo mid ayadu ay biilka u dirto, waxaa loo baahan yahay waa Qaali iyo markhaati ninka iyo naagta midna uma baahna in go’aan ka guurkiisa masuul sadexaad loo raadiyo
فلا جناح عليهن أن ينكحن أزواجهن

5-Sida aan waa ku qabaa wax loogu qabi karin
Ayaa waa ku furay wax loogu furi karin
Qabiddu waxay martaa shuruudo iyo xuquuq,
Furidduna waa inay martaa intoo kale .xaq iyo xuquuq qaali iyo markhaati intii guurka u baahnaa ayuu furiinku u baahan yahay ,

6-Gabadhu xil ma qaban karto waa cunsuriyad iyo jaahil nimo aan diin iyo sharci meelna kaga ool ,xilku waa shaqo shaqadana in loo sinaado waa xaq dastuuri ah ,
للرجال ممااكتسبوا وللنساء مما اكتسبن

7-Ku faan xaaskaaga ee ha ka faanin ku xaragood oo haka sariigan inay mar walba iyo meel walba kugu mataansanaato ,
Haday kugu dheheen in la arkaa waa ceeb ,waxaad tiraahdaa Maanfurku muuqeeda iyo maqalkeeda cawro uma yaqaan ,

KALA BARO ADEEGTADA AQALKA KA SHAQAYSA
IYO BOQORADDA NOLOSHA KULA WADAAGTA.

WQ,Shiikh Cali Maxamed (Cali Raage).