War deg-deg ah:-Weeraro ka dhacay daka IRAN

Wakaaladaha wararka dalka Iran ayaa ku warramay laba weerar oo waa weyn oo maanta ka dhacay dalkaas, kuwaasi oo mid ka mid ah lagu beegsaday xarunta baarlamanka dalkaas, midka kalena qabriga hoggaamiyihii hore Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Weerarka qabriga ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen saddex nin iyo qof ismiidaamiyey, kuwaas oo galay qabriga oo ku yaalla koonfurta magaalada Tehran, halkaasi oo ay dhowr qof ku dhaawaceen.

Warbixino ayaa sheegaya in boliiska ay xireen ugu yaraan hal qof, islamarkaana ay dileen mid kale.

Weerarka lagu qaaday xarunta baarlamanka ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan in afar nin oo hubeysan ay ku lug lahaayeen toogashooyin lagu dilay hal qof, dhowr kalena lagu dhaawacay, oo ay ku jiraan ilaalo.

Warbixnada qaar ayaa mid ka mid ah xildhibaanada kasoo xigtay in mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday la xiray.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda ka dambeysay labadan weerar iyo haddii ay ahaayeen kuwo isku xiran.