Akhriso:-Golaha wasiirada Puntland oo warmurtiyeed kasoo saaray dagaalka Af-urur

War saxaafadeed ka so baxay Shir ay yeeshen Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada puntland ee Dagan tuulada Af urur ay iska difaacen weerar Xalay Saqdii dhexe ay ku so qaaden Ururka Al-shabaab.

Sidoo kale War Saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Nasiib daro markii Ciidamada puntland iska caabiyeen weerarka ay ku so qaaden bur-cad Diimeedku waxay laayen Dad shacab ah oo isku jira Odayaal Madax dhaqameed ah,Dumar iyo Caruur”.

Dhinaca kale War saxaadeedka ayaa lagu sheegay in Golaha wasiiradu ku dhawaaqen in la abaal marindoono askartii ku dhimatay Qaraxyadii Boosaaso iyo Askartii gacanta ku dhigtay qaraxyadii Boosaaso iyo Gaalkacyo.