Ciidamada difaaca Puntland oo jabiyay maleeshiyadii alshabaab iyo khasaare xoog leh oo ka dhashay

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee buuralayda Gal-gala.
 
Saldhiga Af-urur ee ay saaka weerarka gaadmada ah maleeshiyada alshabaab dhawrka jiho kaga soo qaadeen,ayaa xiliga ay weerarka ku qaadeen saldhigaas waxaa ku sugnaa ciidan kooban oo ubadnaa ilaalada saldhiga,kuwaasoo si adag iskaga caabiyay weerarka alshabaab.
 
Ciidamada difaaca Puntland ayaa qaaday weerar rogaal celis ah kadib markii ay xog ku heleen goob ay isku urursanayeen maleeshiyada weerarka soo qaaday ee alshabaab,weerarkaas ayaa xogta laga helayo waxay sheegaysaa in khasaare xoog leh ka dhashay.
 
Dhanka maleeshiyada alshabaab khasaaraha gaaray ayay xogtu sheegaysaa in uu gaarayo dhimashada 25 maleeshiyadooda ah iyo dhaawaca 35 kale.
 
Dhanka ciidamada difaaca Puntland ee PDF khasaaraha soo gaaraya ayaa xogtu sheegaysaa in uu gaarayo dhimashada 16-askari iyo dhaawaca 25 kale.
 
Waxaa goobta dagaalku ka socdo gaaray talyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Jeneral Siciid Dheere iyo ciidan xoog leh oo gurmad ah oo uu wato.
 
Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa 10-km u jirta deegaanka Ceel-daahir oo 90-km usii jirta magaalada Bosaso.
 
Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxaha xagjirka ah ee argagixisada Alshabaab iyo Daacish,dagaalkan ayaa ah kii ugu danbeeyay ee dhexmara labada dhinac,iyadoo maalmo ka hor ciidamada amniga Puntland ay ku guulaysteen qabashada qaraxyo waa weyn oo lagu soo qariyay Gaadiidika qudaarta kasoo waarida Koonfurta Dalka.