Dawlada Soomaaliya oo soo dhawaysay go’aanka maxaabiis is waydaarsiga ee ay go’aamiyeen golaha wasiirada Hindiya

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysey go’aanka golaha Wasiirada India oo ay ku ansixiyeen Heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaarsiga maxaabiista.

Golaha Wasiirada India oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha India Shri Narendra Modi ayaa ansixiyey dhaqangelinta Heshiiskii Soomaaliya iyo India ay kala saxiixdeen ee ku aadanaa in maxaabiista la is-weydaarsado. Dhaqangelinta Heshiiskan ayaa sahlaya maxaabiista Soomaalida ee ku xiran India in loo soo masaafuriyo dalkooda Hooyo.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in go’aanka golaha Wasiirada India ay soo dhoweynayaan isla markaana maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas India la keeni doono dalkooda Hooyo si ay ugu soo dhowaadaan qoysaskooda iyo shacabkooda.

“Dowladda Federaalka ayaa ka shaqeyn doonto sidii maxaabiistaas loo dhaqancelin lahaa oo marka ay xabsiga dhameystaan ay u noqon lahaayeen muwaadiniin ka qeyb qaata dib u dhiska dalka.”ayuu yiri Wasiir Eng Yariisow.

Eng. Yarisow oo hadalkiisa wata ayaa yiri “Dowladda Federaalka waxey u mahadcelineysaa Dowladda India oo ka dhabeeysey heshiiskii aan wada gaarnay, isla markaana xushmeeysey si muwaadiniinteena ku xiran xabsiyada dalka India loo keeni lahaa dalkooda Hooyo. Go’aankan waa mid ay qoysaska maxaabiista ku xiran dalka India ay aad u soo dhoweeeynayaan iyo sidoo kale Dowladda Federaalka oo juhdi weyn ku bixisay sidii muwaadiniintooda loo karaameyn lahaa oo loo keeni lahaa dalkooda Hooyo si ay shacabkooda iyo qoysaskooda ugu soo dhowaadaan.

 

DHAMMAAD