GUMAADKI CIIDAMADA AMISOM IYO KAN KA DHACAY AF-URUR MAXAA ISU EKKAYSIIYEY?

Ayaan darro waa marki ugu horraysey oo guul ay ku naaloodaan ay ka gaaraan dagaal dhex maray ciidamada PL iyo maleeshiyaadka al shabaab.

Dagaalkoodu wuxuu ahaa mid gaadmo iyo qarax meel lagu aaso ah.

Haddab maxaa sahlay in ciidanki PL ee geesinimada iyo feejignaanta lagu yaqaaney in loo gumaado sidii ciidankii AMISOM ee Ceelcade, jannaale iyo walla-weyn xeryohoodi loogu dhacay ee lagu jaray, qalabkiina laga qaatay.

Ogaw iyagu waa AJINEBI oo xogta askariga somaliga ahi heli karo ma heli karaan.

SABABAHA SAHLAY GUUL-DARRADA AF-URUR:

1-Ciidanka oo u badnaa maleeshiyo beeldeeyo la qarameeyey oo aan lahayn tababar ciidan oo fiican.
2-tirada ciidanka ee goobta xaqiiqa ahaan ugu sugan iyo inta ku diiwaan gashan oo farqi weyni udhexeeyo ( magac aan joogin oo jirin oo mushahar lagu qaato CAAGLE)
3-Ciidanka oo aan lahayn sahan joogto ah oo feejigan.
4-Sirdoonka ciidanka oo aanba jirin sida muuqata.
5-la shaqaynta dadka iyo degaanka oo liidata ama aan jirin.
6. Ilaalada Hore (Waardiyaha) oo sidii saxda ahayd loo qaban
7-Maleeshiyaadka La Qarameeyay ee hore uga yimid kooxaha al shabaab oo aan laga digtooni qabin oo ay dhici karto inay la shaqayn ama warbixino siiyaan, taasoo guulaha ay heleen ka mid noqon karta.
8. Al-shabaabka La qarameeyay ee ciidanka lagu dhex daray oo qayb weyn ka ahaa dhabarjabka iyo xasuuqa saraakiisha Ciidamadda.
9. Maandooriyaha Qaadka oo Habeenkii Xasuuqu dhacay, maalinteedii la geeyay af-urur iyo arrimo kale oo isbiirsaday.

Waa dhacdo xanuun leh oo ay kaga aargoostseen tii ka gaartey SUUJ,GARMAAL IYO GARACAD

Shacabka PL waxay dhawrayaan tallaabada ay ku dhaqaaqaan xukuumadda uu madaxda u yahay Cabdiweli Gaas.

Xigasho: Axmed Muuse,
Tifaftirid :Cumar