Maxaa ugu danbeeyay dagaalkii sifaynta argagixisada ee Af-urur?

Ciidamada kala duwan ee Dowlada Puntland oo waday ilaa saakay hawlgal sifayn argagixiso, ayaa dagaal saaka ilaa galabta ka socday buuraha af urur waxay ku dileen in ka badan 48 ka tirsan maleeshiyada alshabaab ah.
 
Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 23 ka tirsan maleeshida alshabaab halka dhaawaca alshabaab ee gacanta lagu hayo uu gaarayo 13-maleeshiyadooda ah.sida uu noo xaqiijiyey sarkaal ku sugan aaga dagaalku ka dhacay.
 
Sargaalkan ayaa sidoo kale sheegay in dhanka ciidanka puntland uu dagaalka kaga dhintay 1-askari dhaawacuna yahay 3-kale.
 
Arintaan ayaa ka dambeysay weerar alshabaab xalay kusoo qaaday saldhig ciidanka puntland uu ku leeyahay af-urur,.
 
Ciidamada difaaca Puntland ayaa wali sii wada hawlgalkoodii waxaana la filayaa in ay beri soo afjaraan firxadka maleeshiyada alshabaab oo caawa ay ciidanku ku go’doomiyeen god ku yaal buuraha silsilada ah ee Golis.
 
Wararkan ayaan ku helnay khadka tooreeyaha oo aan kula xiriirnay.
 
La soco wararkayaga danbe iyo dagaalka sifaynta argagixisada.
 
 
 
Jibril oobey.