Sawiradan mahan ciidamada difaaca Puntland maydadkoodii,idilnews baa ka daba tagtay

Warbixinta iyo sawirada aad hoos ka arki doontaan ayaa ah ciidamada dawlada fadaraalka ee saldhiga Ruunnirgood ee Shabeelada hoose kal hore ay ku laayeen maleeshiyada alshabaab.
 
Mareegyada laga leeyahay koonfurta somaliya ee ay qoraan wariyayaasha u dhashay Beesha Hawiye,ayaa warkan iyo sawirada ka dhigay ciidamo Puntland leedahay oo lagu laayay dagaalkii habeen hore Af-urur.
 
Mareegaha ayaa soo bandhigay sawiradaan ,iyagoo leh Puntland waxaa looga xasuuqay dagaalkii Af-urur 50-askari.
 
Hadaba warbaahinta idilnews oo ka daba tagtay warkaas ayaa soo heshay xaqiiqda dhabta ah ee sawirada iyo warbixintaba.
 
 
 
Halkan ka akhriso warbixinta been abuurka ah:-
 
Ugu yaraan 50 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay dagaal xoogan oo 2 maalin ka hor ay mujaahidiintu ay ku qaadeen degmada Ruunirgood ee Wilaayada Sh/dhexe.
 
Qaar ka mid ah dhaawacyadii ka bad-baaday weerarka ayaa goordambe la sheegay in ay u geeriyoodeen waxyeeladii soo gaartay sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhanka cadowga ah.
 
Marka laga yimaado qasaaraha dhimasho ee cadowga, waxaa dhanka kale dagaalkaas lagu soo ganiimeystay gaadiid dagaal iyo kuwa xamuul oo ay murtadiintu kaga carareen goobihii lagu dagaalamay.
 
Gaadiidka ganiimada ee ay gacanta ku dhigeen mujaahidiinta ayaa kala ah laba gaari oo BG ah iyo laba cabdi bile oo uu saaran yahay qori Dhashiike ah.
 
Rasaas iyo hub fud-fudud ayaa sidoo kale ka mid ah ganiimada ay gacanta ku dhigeen ciidamada Mujaahidiinta.
Hadaba Idaacada Islaamiga Andalus waxay idiin soo gudbineysaa Sawirada Ganiimadii dagaalkaas iyo baqtiyga maleeshiyaadka murtadiinta ee looga cararay fagaaraha dagaalka.
 
Halkaan Ka Daawo Sawirada
 
 
Xigasho : Radio Al-Andalus