Somaliland oo aqoonsi ka dhex raadisay khilaafka xulufada Sacuudiga iyo Qadar

Maamulka Somaliland ayaa ka raadiyay aqoonsi meel uusan ka jirin,kadib markii golaha wasiirada ee maamulkaas kulan ay yeesheen ay kasoo saareen warmurtiyeed lagu taageerayo mawqifka sacuudiga kagana hor imaanayaan dawlada Qadar.
 
Golaha wasiirada Somaliland ayaa qoraalkooda ku xusay in hawada somaliland aysan isticmaali karin cid ay iyagu aysan u fasixin,taasoo ay ula jeedaan diyaaradaha Qadar Airways oo maalmahan isticmaalaysay hawada somaliya kadib markii xayiraad ay kusoo rogeen dalal dhawr ah oo carbeed.
 
Hadaba go’aanka somalland ayaa lagu tilmaami karaa mid aan macno badan iyaga usoo kordhinayn,isla markaana haba yaratee aan waxba ka tarayn aqoonsi raadiska ay u baahi qabaan,sidoo kale xulufada kasoo horjeeda Qadar ayuusan macno u samaynayn waxuuna uga dhigan musig dhagahooda ku dhacaya.
 
Somaliya guud ahaan waxaa loo aqoonsan yahay in ay xukunto dawlada fadaraalka ah,waana iyada cid jaan goyn karta go’aamada masiiriga ah ee laga ficil qaadan karo.
 
Hoos ka akhriso go’aanka Somalilad:-
 
 
Go’aan Ka Soo Baxay Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida Gobolka, kana soo horjeeda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo deganaanshaha, isla markaana ka soo horjeeda xag­jirnimada iyo cid kasta oo taageerta xagjirnimada.
 
Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tixgelinaysa cilaaqaadka taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Wadamada Khaliijka, waxa ay Golaha Wasiirradu maanta oo taariikhdu tahay 10/06/2017 isugu yimaadeen shir aan caadi ahayn,kaasi oo uu guddoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Shirka Golaha Wasiirradu wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasiga ah ee ka dhexeeya dalalka khaliijka iyo mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qaadanayso.Sidaas darteed, waxa ka soo baxay Golaha Wasiirrada go’aamadan:­
 
in Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.
 
Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somaliland ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Jamhuuriyadda Somaliland way u madax­bannaan tahay cirkeeda, dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.