Video:-Masuuliyiinta fadaraalka umatala Puntland oo markii ugu horaysay ka hadlay dagaalka Af-urur

Waxaa markii ugu horaysay ka hadlay isla markaana taageeray ciidamada iyo shacabka Puntland xubno ka tirsan baarlamaanka fadaraalka kuwooda kasoo jeeda Puntland.
 
Xildhibaanadan oo uu hogaaminayo Sadiiq Warfaa,ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Nayrobi waxay tacsi ugu direen guud ahaan shacabka iyo dawlada Puntland,si gaar ah waxay tacsi ugu direen ehelada ciidanka iyo shacabka argagixisadu ku gaaday saldhiga Af-urur
 
Xildhibaanadu waxay baaq udireen dawlada fadaraalka,kaasoo ay kaga codsanayaan in Puntland lagu taageero hiil iyo hooba,si ay usii wado la dagaalanka argagixisada
 
Xildhibaanadan baarlamaanka fadaraalka kuwooda kasoo jeeda Puntland,ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee ka hadla dhibaatadii ka dhacday saldhiga Af-urur,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka