Video:-Wasiirka Cusub ee dibudhiska & Hormarinta Puntland Cabdiqadar Faarax Shaaciye oo siw eyn loogu soo dhaweeyay garowe

Wasiirka cusub wasaarada dib udhiska iyo horumarinta Puntland Cabdiqaadir Faarax Shaaciye ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada Puntaldn ee garowe.
 
Cabdiqaadir Faarax Shaaciye wasiirka dib u dhiska iyo horumarinta Puntland oo uu dhawaan madaxweyne gaas ku magacaabay digreeto kasoo baxday xaafiiskiisa ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda lagu hor dhaariyo maadaxweynaha.
 
Wasaarada dib u dhiska iyo horumarinta Puntland,ayaa ah wasaarad cusub oo lagu siyaadiyay wasaaradihii horay ujiray ee Puntland,waxaana xusid gaar ah mudan in wasaaradan wasiirka loo magacaabay uu kasoo jeedo mid kamid ah beelaha muhiimk ah ee Puntland,taasoo ah beesha Reer Maxamuud oo in badan ka biyo diidsanayd saamiga qaybsiga wasiirada,iyagoo horay u haystay wasiir ku xigeen,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka