Somaliland waxay qayb ka ahayd weerarkii Af-urur.WQ.Shiine Culey

Maamulka Somaliland wuxuu ku lug lahaa weerarkii 7da Jun, ay ku qaadeen deegaanka Af-urur maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu fahansanyahay Warsidaha Faaqidaad.
 
Dad badan ayey la-yaab ku noqotay sida ay ugu suurtagashay inay qaadaan weerar xadigaas le’eg maleeshiyaadka ka dagaalama buuraha Galgala oo mudooyinkii dambe si weyn loo wiiqay.
 
Maleeshiyaadka taabacsan Al-Shabaab ee ku jira buuraha Golis waxay la daalaa dhacayeen khilaaf soo kala dhex galay oo u kala jebiyey labo kooxood oo feker ahaan kala irdhoobay.
 
Ma heli jirin sahay, saad iyo gurmad maadaama ay go’doomin saareen ciidanka Puntland, taas oo ku riixday inay ka galaan dhufays buuraha fog halkii ay ka ahaan lahaayeen weerar.
 
Taageerada Somaliland
 
Goob joogayaal ku sugan meelo ka tirsan Sanaag ayaa u xaqiijiyey Faaqidaad inay Somaliland xoojisay dhowaan taakulada ay siiso Al-Shabaab.
 
Subaxnimadii 2dii Jun, ayaa lagu arkay deegaanka Shimbiraale 3 gaari oo xamuul ah oo ay gelbinayeen kolanyo ka tirsan ciidanka Somaliland ee fadhiya Biyo guduud.
 
Isla habeenimadii 2dii Jun, ayey dad reer guuraa ahi waxay arkeen gaadiidkaas oo uga gudbaya dhinaca raacinta wadada dheer ee isku xirta Mindigale iyo Cawsane.
 
Sidoo kale, koox xijiyeysato ah ayaa u xaqiijiyey dadka deegaanka inay arkeen Sabti 3dii Jun, maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka raranaya raacinta sahay loo dhigay.
 
Asaaskii kooxda Galgala
 
Si aad u ogaatid ku lug lahaanshaha Somaliland ee dagaalka ka socda buuralayda Golis gaar ahaan deegaanka Galgala waa in aanu taariikhda dib u eegno oo diirada saarno asaaskii kooxdan.
 
2006dii ayey xukuumadii Puntland ee AHN Janaraal Cadde Muuse ku dhawaaqday inay macdan ka baari doonto deegaanka Majayahan. dadka deegaanku ma soo dhoweyn arintaas.
 
Xukuumadii Somaliland ee Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa u aragtay kala aragti duwanaanta soo kala dhexgashay reer Sanaag iyo Puntland fursad dahabi ah.
 
Nabada curatay ma farxadgelin Somaliland oo markiiba bilowday inay taageeradeedii u weeciso kooxo mayal adag oo uu hogaaminayey Sh. Maxamed Siciid Attam si ay u sii wadaan dagaalka.
 
Sidaa waxaa ku bilowday wejigii labaad ee dagaalka oo ah markan mid xiran shaar diimeed ayna isku garabsanayaan kooxda Al-Shabaab iyo maamulka Somaliland oo dani midaysay.
 
Doorashadii Siilaanyo
 
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa loo doortay hogaanka Somaliland 26kii Jun, 2010 iyadoo maamulkaasi uu si weyn ugu lug leeyahay qalalaasaha buuraha Calmadoow.
 
Maalin ka hor intii aanu xilka wareejin Riyaale ayey weerar xoogan ku soo qaadeen ciidanka Puntland ee fadhiyey tuulada Laag maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee ku jiray Galgala.
 
Dadka intiisa badani waxay aaminsanaayeen in weerarkaasi ahaa mid ay ku muujinayeen cududooda ciidan si aysan meesha uga bixin taageeradii ay ka heli jireen xukuumada Riyaale.
 
Al-Shabaab waa ku guulaysteen qorshahaas, sababta oo ah Siilaanyo wuxuu u arkay quwad lidi ku ah joogitaanka Puntland ee Sanaag oo ka mid ah meelaha ay ku muransanyihiin.
 
Somaliland ma siiso Al-Shabaab sahay oo keliya ee waxay u tahay marin ay soo maraan oo ka galaan Galgala, sidoo kale dhaawacooda ayey ugu dabiibtaa Burco.