Video:-Jaaliyada Puntland ee minisota oo qabatay kulan ay ku taageerayaan ciidamada difaaca Puntland

Jaaliyada Puntland ee minisota ayaa iskugu timid kulan balaaran oo ay ku muujinayaan kalsoonida ,garab istaaga iyo bogaadinta ay u hayaan ciidamada difaaca Puntland.
 
Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada jaaliyada oo ay hormuud u ahaayeen Cabdiweli Axmed Warsame iyo Cawil Nuur Shire, ayay jaaliyadu ku muujisay sida ay uga xun yihiin khasaarihii ka dhashay weerarkii gaadmada ahaa ee Af-urur,sidoo kale jaaliyadu waxay tacsi ka dirtay ciidamadii ku shahiiday weerarkaas.
 
Jaaliyada Puntland ee minisota waxay kaloo ku bogaadisay ciidamada guulihii isdaba jooga ahaa ee ay ka gaareen fashilinta qaraxyadii dhawrka ahaa ee argagixisadu la damacsanayd in ay ku xasuuqdo shacabka Puntland,qaraxyadaas ay ciidamadu fashiliyeen ayaa waxaa ugu danbeeyay kii ay ku qabteen kayntaroolka magaalada Bosaso.
 
Dhanka kale Cabdiweli Axmed Warsame Gudoomiyaha jaaliyada Jubaland ee waqooyiga Maraykanka oo kulanka ka hadlay ayaa tacsi udiray shacabka iyo ciidamada Puntland ,isagoo ka tacsiyeeyay weerarkii gaadmada ahaa ee Af-urur.
 
Jaaliyada Puntland ee Minisota oo ah mid kamid ah kuwa ugu miisaanka culus jaaliyadaha Puntland ee qurbaha,ayaa muujiyay garab istaaga ay ciidamada la garab taagan yihiin hiil iyo hooba,waxayna kulankan ugu magacdareen kulankii tacsida ,garab istaaga iyo bogaadinta ciidamada difaaca Puntland,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka