Video:-Shir ku saabsan maxay shacabku ugu dhiiran waayeen furashada xisbiyada oo garowe ka furmay

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta PDRC kaga qayb galay shir wadda-tashi ah oo ku saabsan nidaamka xisbiyada badan ee Puntland.
 
Madaxweynaha ayaa waxaa shirkaasi ku wehelinayey guddomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, guddiga ku meel-gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, gudoomiyaha Maxkamada Sare, Madaxa xafiiska xaquuqul isnaanka Puntland, hay’adda daneeyayaasha aan dawlaga ahayn ee PUNSA iyo qaar kamid bulshada rayidka ah.
 
Madaxweynaha dawladda Puntland oo hadal ka jeediyey shirkaasi ayaa sheegay muhiimada shirkani loo qabtay ay tahay dood wadaag , wax is weyndiin iyo wax is weydaarsi,kaasi oo ah in Puntland ay ka guurto nidaamka qabaliga ah una guurto nimaad dimuquraadiyadeed oo lagu gaadhayo hal qof hal cod.
 
” Shirkani wuxuu ku saabsan yahay dood, wax is weydaarsi iyo wax is waydiin barnaamijka aan ku dhawaaqay oo ah in Puntland ay ka guurto nidaamka qabaliga ah runtii hagaasiyey, ragaadiyey dawladd nimadeeda iyo horumarkeeda una guurto nidaam dimuquraadiyadeeda oo dadka shacab ka ahi kalsooni ku qabaan, inay muwaadinimadooda iyo codkoodu ay wax ugu goyso dawladda nimadooda, dimuquraadiyada lafteedu maha wax dhamaystisan, waa in inta badan loo hogaansamo inta yarna xuquuqdooda la ilaaliyo, anagu waxaan rabnaa dimuquraadiyad wanaagsan oo ilaalinaysa diinteena islaamka kuna dhisan dhaqankeena” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
 
Madaxweyne Gaas ayaa xiligii la doortay waxuu balan qaaday in 2019 uu dalka ka hirgalin doono nidaamka doorasho ee hal qof iyo hal cod,isagoo balanqaadkaas adkaynayana waxuu yiri ”Hadaanan dalka ka hirgalin doorasho hal qof iyo hal cod ah 2019 dawladaydu waxay ka dhigan tahay mid fashilantay”.
 
Mudo hada laga joogo hal sano iyo bar ayuu maadxweynuhu ku dhawaaqay gudiga doorshada iyo in ay furan yihiin furashada nidaamkii Xisbiyada,ilaa iyo xiligaas ma jirin xataa hal Xisbi oo laysku dayay in la furto ama la soo diwaangaliyo.
 
Waxaa muuqata in bulshadu ka niyad jabsan yihiin nidaamka,sidoo kale beesha caalamka ayaa iyana diiday dhaqaalihii ay ku bixin lahayd hirgalinta nidaamkaas ,isla markaana muujisay niyad jab xoog leh oo ay ka qabto rajada hirgalka nidaamka xisbiyada badan.
 
Isku soo wada duuboo shirkan maanta dhacy ee wax layskaga waydiinayo waxa hor istaagay furashada xisbiyada iyo dhaqaajinta nidaamkaas,ayaa u muuqda mid aan wax badan ka badalayn xaaladu sida hada ay tahay,waxayna umuuqataa in Puntland sanad iyo bar kadib dib ay ugu gali doonto doorashada nidaamkeedii hore ee qabaliga ahaa,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka