Wafti ka socda dawlada Qadar oo soo gaaray muqdisho

Magaalada Muqdishu maanta waxaa tagay wafdi sare oo ka socda dawladda Qadar kaasi oo madaxda dawladda Soomaaliya la kulmay.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wafdiga Qadar uu hoggaaminayo Wasiiru Dawlaha Arirmaha Dibedda Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi waxaana la sheegayaa in Wasiirku uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre. Toddobaadkii horena waxaa Muqdishu joogay wasiir isaguna ka socda dawladda Sucuudiga.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay meel dhexe iska taagayso khilaafka u dhexeeya labada dawladood, waxayna ku baaqday in nabadgelyo lagu dhammeeeyo khilaafaadka.