Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo cadaysay in ay Qayb ka hayn Manahanjka Wasaaradda Waxbarshada dowlada faderalka ah oo horgaysay Golaha Wasiiradda Dowlada federelka ee Soomaliya.

11/jun/ 2017-  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof: Abshir Yuusuf Aw ciise iyo iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Maxamed C/qaadir Cismaan ayaa shir jaar’id  kuwada Qabtay hoolka Wasaaraddda Waxbarshada ee Dowlada Puntland.

Waxaan maanta Shir-saxaafadeedkaan u qabanay inaan caddayno in Manhajka waxbarasho ee Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladda Federaalka ahi ay horgaysay Golaha Xukuumadda Dawladda Federaalka ah uu yahay mid gaar ku ah Gobollada Koofureed iyo Muqdisho, Puntland na uusan khusayn, waxaan arrintaan ku sababaynaa sida soo socota:

  1. Puntland waxay leedahay Manhaj Waxbarasho oo gaamuray, laguna dhaqmayay muddo gaaraysa 15 sano, laga soo bilaabo 2003 ilaa iyo maanta, waxaa la dhammaystiray dhammaan muqarrarkii Dugisiyada Hoose/Dhexe iyo Sareba iyo Manhajka Waxbarashada dadban iyo tan farsamada.

 

Waxaa sidoo kale la sameeyey Qalfoofkii Manhajka (Curriculum Frame work) oo qeexaya dhammaan maadooyinka ardaygu qaadanayo iyo saacadaha loogu talagalay, kaasoo daboolaya tiirarka Manhajka ee 3da ah sida: Macrifada, Xirfadaha iyo Habdhaqanka.

 

Manhajka waxaa qayb ka ah Maaddada Tarbiyada Waddaniga ah (Civic Education) oo lagu qaato Dugsiyada H/Dhexe iyo Maaddada Maamul-wanaagga (good governance) oo lagu qaato Dugsiga sare, sidoo kale waxaa Manhajka qayb ka ah: Dhisidda Nabadgelyada, Xallinta khilaafaadka, ballaarinta ka qaybgalka, ilaalinta deegaanka iwm.

 

Waxaa hadda gacanta lagu hayaa Qorista Buugaagta iyo daabacaddooda, oo sanadkaan aan soo gabagabaynayno.

 

Waxay arrintaani tilmaamaysa in Puntland ay ka horrayso Soomaaliya inteeda kale, waxayna ardaydu imtixaan ku galayeen Manhajka muddo ku dhow 15 sano.

 

  1. Waxbarashadu waa Awoodaha Dawlahada xubinta ka ah Dawladda federaalka (State jurisdiction), sababtoo ah waxaa Dastuurka lagu qeexay awoodaha ay Dawladda Federaalku gaarka la tahay sida: Arrimaha Dibadda, Difaaca, Lacagta iyo Jinsiyadda iyo Socdaalka, wixii kazoo haray ee awoodo ah waa in laga wada hadlo sida ku cad Qodobka 54aad ee Dastuurka federaalka, haddaba maadaama aan wali arrintaas laga wada hadlin, Dasaatiirta Dawlado badan oo ku dhaqma nidaamka Federaalka waxay tilmaamayaan in wixii awoodo ah ee aan laga wadahadlin ama laga aamuso ay yeelaan Dawladaha xubinta ka ah Federaalku, sidaas daraadeed waxbarashadu waa awoodaha States ka.

 

  1. Soomaaliya waxay dooratay nidaam Federaal ah, waana qodob Dastuuri ah, laakiin wali laguma heshiin qaabka Federaalku noqonayo, waxqaybsiga awoodaha Siyaasiga ah iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale arrimaha Dastuurka oo wali laalan oo aan laysla meel dhigin, sidaas daraadeed waa degdeg in laga hadlo Manhaj qaran iyadoo arrimihii siyaasiga ah oo dhan wali la taaban.

 

 

  1. Nidaamka Federaalka waxaa Base u ah saddex arrimood:
  2. Ma jirto cid leh awood mudlaq ah oo furan, waa in wax walba laysla ogolaado.
  3. Wadatashi in wax walba lagu dhammeeyo.
  4. Waxqaybsi dhinaca awoodaha siyaasadda iyo dhaqaalahaba.