Dacwad ooge shaqada laga eryay ‘markii uu taleefoonka ka qaban waayay Trump’

Dacwad ooge sare oo isaga oo heer faderaal ka soo shaqeeyay magaalada Ney York ayaa shaaciyay in Trump uu shaqada ka tiray ka dib markii uu uu madaxweynuhu wakhtiyo kala duwan taleefoon aan caadi ahayn kula soo xiriiray isaga.
 
Preet Bharara ayaa warbaahinta ABC News u sheegay todobaadkan in uu dareemay in talefannadii Trump ay ka soo tallaabeen xayndaabkii caadiga ahaa ee u dhaxeeyay masuuliyiinta sare iyo dambibaareyaasha madaxa bannaan.
 
Bharara ayaa sheegay in shaqada laga eryay ka dib markii uu diiday in uu markii saddexaad taleefan ka qabto madaxweynaha.
 
Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanku durba kama uusan jawaabin eedayntaas.
Bharara oo uu magacaabay madaxweyne Obama ayaa sheegay in ay u muuqatay in madaxweyne Trump uu rabay in uu xiriir la samaysto ka dib markii ay kulmeen dhammaadkii sannadkii 2016kii.
 
Laakiin wuxuu sheegay in uu dareemay in aysan “habboonayn” ka dib markii uu madaxweynuhu xilka la wareegay.
 
“Toddobo sano iyo bar aan shaqadaas hayay marna ima soo wicin madaxweyne Obama” ayuu yiri.