Ra’isalwasaare Khayre oo u anba baxay itoobiya markiisii koobaad

Maanta waxaa Magaalada Addis-ababa ee Caasimadda Itoobiya ka Furmi doona Shirka Urur Goboleedka IGAD oo ah Shir Deg Deg ah oo looga arinsan doono Xaaladda Suudaanta Koofureed iyo Wadamo kale oo dhowr ah.
 
Shirka IGAD ayaa ah Shir Deg Deg ah oo uu Iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn waxaana looga hadlayaa intiisa badan Xaaladda Cakiran Ee ka jirta Suudaanta Koofureed.
 
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Soomaaliya uga qeyb geli doona,waxaana Maanta uu ka Duulay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan cadde.
 
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mid ahaa Madaxdii Shirkaan Deg Dega ah horay loogu Casuumay,waxaana hadda uu diray Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre.
 
Inta badan laguma aqoon u dhoofida dibada Rw Khayre iyo ka qaybgalka shirarka madaxda sare lagu casumo,balse kan ayaa noqonaya kiisii labaad oo uu ka qaybgalo.
 
Shirkaan aan caadiga aheyn ayaa looga hadli doonaa Xaaladda Siyaasadeed iyo midda Bini’aadantinimo ee Xilligaan ka jirta Suudaanta Koonfureed.