Sawiro:-Gudiga qiimaynta weerarkii Af-urur oo u anba baxay Deegaankaas

Waxaa saakay ka anba baxay Bosaso gudigii heerka wasiir ahaa ee madaxweyne Gaas u magacaabay qiimaynta dhibaatadii ka dhacday Saldhiga Af-urur ee ay argagixisadu kusoo qaaday weerarka gaadmada ah.
 
Gudigan oo uu hogaaminayo wasiirka amniga Cabdi Xirsi Qarjab ,ayaa waxaa kaloo qayb ka ah wasiirka caafimaadka Cabdinaasir Cuuke,wasiirka dekadaha Siciid Maxamed Raage ,Wasiirka waraabka Cabdulaahi Tima Cade iyo Wasiiru Dawlaha maaliyada Maxamuud Beeldaaje.
 
Gudigan ayaa qiimayn kusoo samayn doona dhawr arimood oo kal ah:-
 
A.Xaalada deegaanka
 
B.Xaalada dhaawacyada
 
C.Sababta ufududaysay argagixisada weerarkaas gaadmada ah.
 
Dhawaan ayaa madaxweyne Gaas ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxaha sharwadayaasha ah ee Alshabaab iyo Daacish,islamarkaana magacaabay Gudigan qiimaynta kusoo samaynaya xaalada ee maanta u anba baxay hawshooda.
 
Gudiga waxaa la socda koox wariyayaal ah oo soo tabin doona xaqiiqda ka jirta deegaanka.