Video:-Qadar oo xaalku kusii adkaanayo haatana bilawday in ay dhagayato eedaha loo haysto

Wasiirka arrimaha dibedda Kuwait, Sheikh Sabah al-Khalid al-Sabah ayaa sheegay in dalka Qatar uu diyaar u yahay inuu dhageysto walaacyada ay qabaan afar dal oo kale oo carbeed ee dhaliyey in dalkaas xiriirka loo jaro.

Xukuumadda Doha ayaa lagu eedeeyey inay taageerto kooxaha argagixisada. Qatar waa ay beenisay eedeymaha loo jeediyey.

Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa illaa iyo hadda ku guul darreystay inuu xal u helo muranka dalka Qatar kala dhaxeeya dalalka Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Bahrain.

La-taliyaha gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Qatar Mutlaq al-Qahtani ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in xasaradahan aysan ku saabsaneyn maal-gelinta argagixisada, hase yeeshee uu yahay olole mideysan oo la doonayo in Qatar lagu qasbo inay beddesho siyaasadeeda arrimaha dibedda,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka