Wasiirka Dib u Dhiska Iyo Horumarinta Puntland iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo Maanta Loo dhaariyey xilalka Wasiirnimo.

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 12 June 2017 loo dhaariyey xilalka wasiirrnimo, Wasiirka Dib u Dhiska iyo Horumarinta Puntland Cabdikhadar Faarax Shaaciye iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Yaasiin Cabdi Seed, kadib markii madaxweynaha Dawladda Puntland uu kusoo daray Golaha Wasiirada Dawladda Puntland todobaadkii lasoo dhaafay .
 
Munaasibada dhaarinta oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo munaasibada dhaarinta ka dib la dardaarmay Wasiirdaaasi ayaa ku booriyey in maasuuliyadan ay qaadeen tahay mid ku salaysan rabitaanka shacabkooda iyo kan Dawladdaba, waxaana Madaxweynuhu ku booriyey inay siday tahay uga soo baxaan shaqooyinka loo igmaday ee ay u qaban doonaan shacabkooda.
 
” Waan ku farax sanahay inaad hawlgashaan, waxaa laydin ka rabaa dhaarta aad marteen inaad siday tahay u fulisaan, dalka iyo dadkana daacad nimo ugu adeegtaan, Puntland wax ku jirtaa wakhti adag horumar uu ka socdo, xoojinta amnigu ay ka socoto, dabcan qofka wasiirka ahi shaqadiisu kuma ekaan doonto wasaaradda oo keliya ee waxaa la rabaa in laga wadda shaqeeyo amniga dalka, horumarkiisa iyo mid nimadiisaba inaad ka qayb qaadataan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
 
Dhinaca kale Madaxweynaha oo ka hadlaya khibradaha shaqo ee ay leeyihiin labadani wasiir ayaa sheegay inay yihiin kuwo wax weyn kusoo kordhin kara dalka, isla markaana kasoo dhalaali kara shaqooyinka loo igmaday.
 
” laba nin oo dhalinyaro ah ayaad tihiin, aqoon fiican leh, khibrad siyaasadeed leh, mid ganacsi iyo mid dowladd-nimoba leh , waxaan rajaynayaa markaas inaad noqotaan kuwo waxbadan kusoo kordhiya kana bedela nidaamka Dawladd-nimo ee Puntlan, khayr iyo guul baan idiin rajaynayaa shaqo wacan Insha Allah”ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.