Gudiga Kmg ah ee Doorashada Puntland oo soo saaray warmurtiyeed

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa maanta soo saarey war-saxaafadeed la xariira shir 11 bishan ka dhacay xarunta PDRC oo looga hadlayay hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland.
 
TPEC, ayaa soo saartay 6 qodob oo ay ku jirto in la yareeyay khidmadii laga qaadi lahaa ururrada iyo Axsaabta la diiwaangalinayo, inkastoo aan war-saxaafadeedkaas lagu cayimin.
 
 
Hoos ka akhriso warmurtiyeedka:-
 
 
1.In la yareeyo khidmadaha diiwaan gelinta ururada iyo Axsaabta siyaasiga ah.
 
2.In la yareeyo tirada taageerayaasha ururada ku yeelanaayaan goboladda Puntland ( Tiradii hore 300 qof gobol kasta).
 
3.In la sameeyo Maxkamadii dastuuriga ahayd sida ugu dhaqso badan.
 
4.In la kordhiyo muddada diiwaan gelinta ee ku ekayd 25 June 2017.
 
5.In la socod siiyo hanaanka geedi socodka xisbiyada badan ee Puntland, iyada oo aan lagu xirayn xili doorasheedka 2019ka.
 
6.in dowladda Puntland shir u qabato beesha caalamka kuwooda danaynaya barnaamijka doorashooyinka Puntland.
 
Guddoomiye K/xigeenka Guddiga Doorashadda Maxamed Soofe Xasan wuxuu sheegay in guddigu ay baarlamaanka u gudbin doonaan qodobada la xiriira lacagta laga qaadayo ururada iyo yaraynta tiradda taageerayaasha ururada ee goboladda, taasi oo ay sheegeen in barlamaanka oo kaliya uu go’aan ka gaari doono.
Halkan ka akhriso wareegtada:-