IGAD oo Ergay Cusub u Magacowday Soomaaliya

Urur goboleedka IGAD ayaa maanta ergay cusub u magacaabay arrimaha dalka Soomaaliya.

Ergayga cusub ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Guyo. Ergaygaasi ayaa la sheegay inuu xilligan hayo xilka ah madaxa xafiiska Geeska Afrika ee wasaaradda arirmaha dibeddda dalka Kenya.

Maxamed Cali Guyo ayaa la sheegay inuu khibrad u leeyahay arrimaha Geeska Afrika isla markaana uu horey dawladdiisa ugu soo matalayey shirar kala duwan oo ku saabsan waddamada Bariga Afrika.

Maxamed Cali Guyo waxa uu beddeli doonaa Ambassador Maxamed Cabdi Afey oo horey xilkaasi u hayey balse sanandkii hore loo magacaabay ergayga UNHCR u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

Dhinaca kale waxaa waddamada IGAD ay ergay gaar ah u magacaabeen arimaha dalka Suudaanta Koonfureed, waxaana ergayga cusub lagu magacaabaa Ismaaciil Wacays. Ergayga cusub ayaa hadda ah La-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.