Sawiro:-Baanka aduunka oo wada qorshe lagu midaynayo nidaamka canshuur qaadista Somaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa maanta soo xiray shir looga arinsanayey sidii loo midayn lahaa canshuuraha furdooyinka ee dalka,
 
Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirada Maaliyada ee dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka, Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan arrimaha Maaliyadda, Gudiga dib u habaynta Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo khubaro ka socotay Wasaaradda Maaliyadda.
 
Shirka ayaa daba socday kulamo dhowr ah oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Nairobi, ayaa diirada lagu saaray sidii wadanku u lahaan lahaa canshuur midaysan.
 
Wasiirka Maaliyadda fadaraalka Bayle oo gabagabadii shirka la hadlay saxaafada ayaa sheegay in qodobo muhiim u ah mustaqbalka dalka aad looga dooday waxaana ka mid ahaa:
 
• In la sii amba qaado sidii loo midayn lahaa cashuuraha iyo sidii dakhliyada wax looga qaban lahaa
 
• In dalka wixii soo galaya iyo wixii ka baxaya meel looga soo wada jeesto
 
• In shuruucda khuseeya arrimaha maaliyadda ee la diyaarinayo meeshay doonaan haka socdaane in laysla ogaado marka la diyaarinayo
 
• In la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda fadaraalka iyo Wasaaradaha Maaliyada dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka, shirar badan la yeesho, iyo in lasamaysto Email wada jir loogu xiriiro.
 
• In dalkaan wixii ka dhacaya oo ku saabsan arrimaha maaliyadda laga wadahadlo,
 
• Inaan sii ogaano waxyaalaha cusub oo aan doonayno inaan aduunka kula dhaqmayno iyo inaan isla fahano wixii aduunka aan ka aqbalayno.
 
• In la mideeyo daraasadaha la samaynayo ee ka dhacaya meelaha kala duwan, si looga fogaado in la sameeyo waxyaalo iska soo horjeeda.
 
• In shirkan kan ku xiga lagu qabto Garoowe mudo 45 casho kadib ah
 
.
Wasiirka maaliyadda fadaraalka C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa kula dardaarmay Wasiirada maaliyadaha dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka ee shirkan kasoo qeybgalay in ay saaran tahay masuuliyad shaqo oo aad u weyn loona baahan yahay in dalka uu gaaro isku filnaanshiyo dhaqaale,
 
Isku soo wada duuboo shirkan ayaa ah shir gogol xaar u noqonaya qorshe balaaran oo dib loogu midaynayo nidaamka canshuur qaadista Somaliya ,kaasoo uu wado baanka aduunka.