Sawiro:-W.arimaha gudaha fadaraalka ah oo ku qabatay muqdisho shir ay ku sheegtay dib u heshiisiin qaran

Ra’iisul Wasaare ku -xigeenka XFS ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa si rasmi ah maanta u daah furey shir ay dawlada fadaraalku ugu yeertay shirka wadatashiga Dib-u-heshiisinta Qaran,
 
Waxaa ka soo qayb galey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u hushiisiinta Soomaaliya,Qaar kamid ah madaxda dalka,Xubno ka socday dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka,Odayaasha dhaqanka,Abwaano.
 
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkan uu horudhac u yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo la qorshaynayo in la gaarsiiyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo uu joogo.
 
Juxaa ayaa tilmaamey sida loogu baahan yahey in shirkan wadatashi ay ka soo baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Somaliyed, waxuuna balan qaadey iney dhaqan galinayaan go’aanada lagu gaaro shirkan.
 
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka fadaraalka Mahdi Maxamuud Guuleed (Khader) oo kamid ahaa madaxdii ka qaybagshay shirka,ayaa u mahed celiyey madaxda Wasaarada Arimaha Gudaha,maadaama buu yiri ay qabteen shirka wakhtii loo baahnaa.
 
“Waxaa loo baahan yahey in la sameeyo dib-u-heshiisin Siyaasadeed iyo mid Diimeed si loo helo kalsooni shacab taasina waxaa looga baahan yahey in looga doodo sidii loo heli lahaa kulan kan inta uu socdo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.
 
Isku soo wada duuboo shirkan maanta ka furmay muqdisho,ayaan wax badan kaga badalnayn shirar dhawr ahaa oo ka dhacay muqdisho sidaanoo kale loogu tilmaamay dib u heshiisiin qaran oo aysan waxba kasoo bixin.