Sawiro:-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo Sixiddii imtixaanka Dugsiyadda sare ee Puntland oo la soo gabagabayey

Waxaa la bilaabay sixida imtixaanka 4 bishii jun waxaana ka qayb galay 125 Macalin oo isku jiray Saxaayaal, Hubiyaal, kalkaaliyaal iyo Masuuliyiinta Xafiiska imtixaanka.
 
Agaasimaha Imtixaanka Puntland Axmed Maxamud Warsame (Axmed Saahid) ayaa ka warmay Maraxaladaha uu maro sixitaanka imtixaanka.
 
Waxaa uu yiri Agaasimaha “ Imtixaanka puntland waxa uu maraa heerar xasaasi ah oo dabayaal laga soo bilaabo aruurinta xogta ardayda, dajinta imtixaanka dib u habynta, Dabacaada, qaadista, coddingka, Saxida, standardizationka, iyo Marka ugu danabysa oo siidaynta Natiijda imtixaaka.
 
Waxaa wali socda sida loo hubiyo loona xaqiijiyo sugnaanta iyo diqada dhibcaha ardayda, ayaa waxaa xafiisku ka howlgalayey Maamulo kala sarreeya oo saddex ah kuwaas oo walba uu masuuliyad gaar ah leeyahay warqadaha ardayga la saxayo.
 
Warqadu waxay martaa Saddex gacmood oo isticmaala Saddex Qalin oo kala duwan oo is hubinaya.
 
Gacanta kowaad oo ah tan macallinka saxaya waxaa u isticmaala qalin guduudan.
 
Waxaa ku xiga oo ka danabeeya gacanta labaad oo ah hubiyaha oo isticmaala qalin madow,
 
Waxaa ku xiga oo ugu damabeeya gacanta saddexaad oo isticmaala qalin buluug ah.
 
Dhamaan saddexdaas heer ee is- hubinta ah waxaa ka sii sarreeya kalkaaliyaala dul wareega saxayaasha is random ahna u hubinaaal xaashiyo kala duwan.
 
Intaa kadib ayaa natiijadii waxaa lagu soo wareejiyaa Xafiiska imtixaanadka oo hubin maalmo ah kadib iyo dabo-gal ku soo wareejiya guddiga sare ee imtixaanka kuwaas masuuliyadoodu tahay jaangoynta imtixaanka iyo waafijinta international examination standard.
 
Waxaa kalo agaasamaha imtixaanku hanbalayo shaqo adkaysi u diray macalimiintii imtixaanka saxaysay oo yiri waxay qabteen shaqo adag oo awood iyo karti ku jirto ilahayna ajarr iyo Xasnaad ha ka siiyo shaqada ay qabteen.
 
Natiijada imtixaanka Dugsiyadda Sare ee puntland ayaa ah maalmaha fooda inagu soo haya insha allah.