Shirkii wada xaajoodka colaada Gaalkacyo ee Puntland iyo maamulka Cadaado oo si rasmiya u bilawday

Waxaa maanta si rasmiya ah uga furmay Gaalkacyo wadaxaajoodkii Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado.
 
Wada xaajoodkan oo si hordhac ah shalay ufurmay,ayaa maanta ku bilawday jawi degan oo ay ka muuqato isfahan.
 
Mid ka mid ah saraakiisha Puntland shirka umatalaysa oo ka gaabsaday in magaciisa lasoo xigto,ayaa warbaahinta idilnews u sheegay in shirku furmay,isla markaana si fiican ku socdo rajada ah in ay wax la taaban karo oo colaada Gaalkacyo ee soo noqnoqatay xal unoqda ay kasoo baxaan.
 
Ajandayaasha shirka horyaala ee labada dhinac ay shalay isla qaateen in ay kawada xaajoodaan ayaa kala ah:-
 
 
1. Amniga Magaalada oo si wadajir ah looga shaqeeyo
2. La dagaalnka argagixisada
3. Daaqsinta oo la wadaago
4. Geela la dhacay oo la isu celiyo
 
 
Isku soo wada duuboo shirkan ayaa noqonaya mid taariikhiya hadii uu guulaysto,isla markaana qodobada laysku raaco sida ay yihiin loo fuliyo.
 
Shacabka Mudug iyo kan Gaalkacyo ayaa isha ku haya waxa kasoo bixi doona wada xaajoodkan yimid xili loo baahnaa.
 
Waxay ahayd todobaadyo ka hor markii Madaxweyne Gaas kaga qaybgalay Cadaado caleema saarka madaxweynaha maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
 
Guusha shirkan ayaa u ah madaxweyne Gaas wax uu ku qancin karo ama la hortagi karo shacab fara badan oo dhaliilay tagistisii deg-degu ka muuqday ee Cadaado.