Video:-Prof Jurule”Dawlada fadaraalka waa in ay dib u eegis ku samaysaa go’aankeedii hore ee khilaafka carabta”

Prof. Cabdirasaaq Cismaan Xasan (Juriile), oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee golaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa si faah faahsan uga hadlay muranka ka taagan waddamada Khaalijka.
 
“Waxaan qabaa mowqifka dowladdu qaadatay in dib u eegis lagu sameeyo, waana sheegayaa sababta; Aniga Somalia ahaan khasaaro ayaa iigu jirta dhex-dhexaadnimo marka aan eegin tooda ee aan fiirsho danteena, Aniga Imaraadku Jaal ayuu nagula yahay la dagaallanka Argagixisada, waana ogtihiin Ciidan Kun iyo Dhowr-ka Boqol ah oo ay tababareen gacantana ku hayaan ee Bosaso jooga, maalin kasta kuwo ayaa Muqdishu tababar loogu soo xiraan, Ganacsatadeena ugu waaweyn ee Somalida ayaa jooga magaalada Dubai,” Ayuu yiri Juriile.
 
Isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu raaciyay, “Bal dhinaca kale eeg Sucuudigu imisa Neef oo xoolo ah ayaa uga dhoofa dekedaheena. maalin kasta”,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka