Dawlada fadaraalka Somaliya oo sharcigii la dagaalanka musuqa ee 1968 dib u cusboonaysiinaysa

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) oo maanta xafiiskiisa kula kulmey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Ciise Weheliye Macalin ayuu kala wareegey Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa kasoo la qorsheynayo in la horgeeyo maalinta beri ah Golaha Wasiirada Somaliya si ay uga doodaan Sharcigan cusub ka dibna ay u ansixiyaan.
 
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa u mahad celiyay madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu shaqeeyo,sidoo kalena waxuu tilmaamey iney turjumeen sharcigii hore ee Musuq maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.
 
“Waxaan bilowney inaan heshiis caalamiya la sameyno Hay’addaha ka shaqeya arimaha la dagaalanka Musuq maasuqa si aan u daba jarno musuqa”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
 
Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa beri shirka Golaha Wasiirada loogu qeybinayaa si ay uga doodaan,hadii ay ansixiyaan waxaa la horgeen doonaa Baarlamaanka Soomaaliya.Wuxuuna ka mid noqon doonaa sharciyada ay ku dhaqanto dowlada Soomaaliya.
 
Talaabadan ayaa ka mid ah qorshayaahsii uu balan qaaday madaxweyne Farmaajo xiligii olalaha doorashada,fulintiisuna waxay u tahay guul uu ka gaaray balanqaadyadisii kuwii ugu muhiimsanaa.
 
Sanad walba warbixinada qiimeeya heerka musuqa caalamku marayo,ayaa Somaliya waxay ka gashaa kaalinta ugu horaysa dalalka fashilmay ee musuqu halakeeyay lana dagay.
 
Somaliya ayaa maanta caalamka looga yaqaan dalka ugu horeeya dawladaha fashilmay ee uu la dagtay, musuqmaasuqa,jahliga,gaajada iyo dawladnimo xumadu.
 
Dhanka kale shacabka somaliyed ayaa baahi uqaba in la helo sharci adag oo lagula dagaalamo musuqmaasuqa fashiliyay nidamakii dalk oo dhan,isla markaana ka dhigay somaliya meel loo soo qaato tusalaooyinka foosha xun.