Roob-ka-daal.WQ.Maxamed Xasan “Alto”

Waa afartii aroornimo, Saacadda Kulaylaha Biritaaniya [British Summer Time], waaberi Jimceed, taariikhduna ahayd Luulyo 20dii 2007dii. Circaddaa weeye, roob lixaad leh oo mahiigaan ah ayaa billowday. Agagaarkii oo dhan baa shanqadhmay oo isla diryaamay, isagoo waliba watay dhibicyo waaweyn, waqalloo daruuro ah, onkod iyo hillaac. Dabaysha la socotay ma ahayn mid xooggan. Hase ahaatee, hanqarkiisa iyo guguciisaba kala go’ ma lahayn. Cir muddo gaaxsanaa ayaad mooddaa in uu daruuraha soo jabsaday. Doc allaale iyo dhankii la dhugtaba, dhinaca kale waa ka darroor badnaa. Afarta jiho – bari, galbeed, koonfur iyo waqooyi – intay ishu gaadho, buu roobku is-qabsaday. Dhowrkii cisho oo ka horreeyey ee toddobaadka shuux yaryar baa iska jirjirey oo aan sidaas u sii badnayn. Daruuro iyo cadceed kolkol soo baxda ayaa hadba is-riixayay. Hooriddu ma ahayn mid isdaba joog ah, huur ayaase yare jirey.
 
Meeshu waa qurbe, carri Yurub, haddaanse gooni u sii sheego, Boqortooyada Midowdey [BM] weeye, gaar ahaan halka loo yaqaan Bartamaha Galbeedka Igland [Midwest England]. Waa tuulo Gotherington la yidhaahdo oo ka tirsan Degmada Tewkesbury, Gobolka Gloucestershire. Caddeeymmo badan oo la hayo ayaa sheegaya in tuuladu ay askuman tahay in ka badan 1200 oo sannadood. Waxaa dadka sida joogtada ah ugu nooli tiradooda lagu qiyaasaa ilaa iyo 1000 qofood. Ma buurna caddadka deggan, kolka loo barbardhigo tuulooyinka kale ee hareeraheeda ah. Waa dhul daaqa iyo beeraha ku habboon. Warshadaha, ha ahaadeen kuwa fudfudud ama culculus, qaryadu horey uma lahayn imminkana ma laha. 1881kii baa iskuulkii ugu horreeyey laga furey. 1894kii, hawlaha boostada ayaa halkaas ka billaabmay.
 
Waa degaan qalbigu aad u jeclaysto, gaar ahaan, xilliga xagaaga ah. Waa aag leh cosob iyo doog cagaaran, dhir kala nooc-nooc ah iyo ubaxyo midabbo kala dudduwan oo indhuhu milicsigooda ayan kolnaba ka daalaynnin oo ka baahibbaxaynnin. Kob weeye Eebbe raxmad ugu deeqey oo ku wacan daaqa xoolaha, beeraha, daawashada dalxiiska, iyo xagaabbaxa. Hawo saafi ah oo aan wasakh iyo qurmuun lahayn ayay meeshu leedahay. Giddi aadanaha halkaasi ku nooli wuxuu ku jiraa bashbash, barwaaqo, badhaadhe iyo barisamaad. Dadka tuuladaasi deggan waa ka jidh qurxoonyahay oo ka cimri dheeryahay dhiggooda degmooyinka waaweyn ku nool. Waa goob wax kastoo la cunayo, la cabbayo ama la dhamayo sida, cadka, caanaha, biyaha, khudradda, midhaha iyo qamadiga, iwm, uu cosob (fresh) yahay. Shimbirro kala cayn-cayn ah oo codad kala dudduwan leh oo qurxoon, qarkood yihiin kuwa xilliba qaarad u goosha, baa agagaarka dhooban oo haraha, balliyada, laasaska, galalka, waraha iyo fagaagga guryaha dadku degganyahay ka heesa oo ku cayaara. Balambaallista, kobojaaga, jirriqaaga, nirgadhoobka, xiddigdhulka, caanaqubta, iyo kuwo kaloo fara badan ayaa halkaas ku nool oo hadba dhan u cararaya oo u boodaya. Waa meel baqdin aan looga qabinnin in ay bahallo duurjoog dadqaad ihi joogaan. Lo’da, idaha iyo fardaha ayaa ka mid ah dabjoogta halkaas ku nool oo lagu dhaqdo. Digaagga, booloboolayaasha iyo ruumisyada (turkeys) ayaa u sii dheer oo tarraxa. Sidoo kale, goroyo asalkeeda Awstaraaliya laga keeney baa halkaa lagu dhaqdaa.
 
Waa socotaa …
 
Maxamed Xasan “Alto”
 
London, 27.07.2007
 
xasan_maxamed@hotmail.com