Sawiro:-Ra’isalwasaarayaasha Somaliya iyo Itoobiya oo ku kulmay Adis-ababa

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn.
 
Labada Ra’iisul Wasaare,ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada Amniga,Dhaqaalaha iyo Horumarka.
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhiggiisa Rw Itoobiya ka codsaday in dalkiisu kordhiyo taageerida la dagaalanka argagixisada ee ay dawlada somaliya sida adag ugu jirto.
 
“Waxaan leenahay dalka Itoobiya iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinaynaa dalka Itoobiya sida wanaagsan oo uu mar walba noogu garab taagan yahay dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya. Ayuu yiri R.W Kheyre.
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegey in ey isla garteen dhiggiisa Itoobiya sidii looga wada shaqayn lahaa xoojinta arrimaha dhaqaalaha isla markaana labada dal xiriirkoodu ku koobnaan doonin Amniga oo kaliya, sidoo kalena ay bilaabayaan xiriir cusub oo dan u ah labada dawladood.
 
Dhankiisa Hailemariam Dessalegn ayaa ballan qaaday inuu dalkiisu diyaar u yahay sidii mar walba loo xoojin lahaa iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhexeeya labada wadan.
 
R-Wasaaraha Itoobiya ayaa xusaywaxa uuu ugu yeeray, sida wanaagsan ee ay Dawladda fadaraalku ula macaamisho dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka iyo xoojinta iskaashiga dhex mara dhinacyda Soomaalida.
 
Labada R.Wasaare ayaa isla qaatay go’aan ah in la dhiso guddi heer wasiir ah oo ay hoggaaminayaan Wasiirada Arrimaha dibadda ee labada dal, si loo dardar geliyo xiriirka Somaliya iyo Itoobiya.
 
Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga qeyb galay Addis Ababa shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen madaxda IGAD kaasoo ay ahayd in madaxweyne Farmaajo kasoo qaybgalo,balse uu ka baaqsaday.
 
Kulanka deg-deg ah ee adis-ababa,ayaa llooga xaajoonayay xiisadaha ka aloosan Koonfurta Sudan.
 
 
Isku soo wada duuboo kulanka labada Rw ayaa waxuu ahaa mid dhoolatus ah oo kaliya saxaafada loogu talagalay.