Sawiro:-Ra’isalwasaare Khayre iyo madaxweynaha Sudan oo kulan wada qaatay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,ayaa magaalada Addis-Ababa kula kulmay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir.

 
Labada hogaamiye ayaa kawada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal
 
Ra’iisul Wasaare Khayre, ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer oo ay colaad ku jirtay kadib, ay haatan hayso dhabbada dib-u.soo kabashada iyo wax wada qeybsiga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waxaana uu intaasi sii raaciyey in Sudan ay kamid ahayd dalalkii garab taagnaa mudadaa dheer dalkeena isla markaana ay Soomaaliya diyaar u tahay in iskaashiga labada dal ay xoojinayaan.
 
“Soomaaliya iyo Suudaan waa laba dal oo walaalo ah, wax badana ay ka dhexeeyaan, xiriirkooduna uu yahay mid qotada dheer oo mar walba wanaagsan. Suudaan waxay naga taageertay hadana ay diyaar u tahay, dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, tababarka ciidammada booliska iyo amniga. Ayuu yiri Kheyre.
 
Madaxweynaha Suudaan MCumar Xasan Albashiir ayaa dhankiisa balan qaadey inuu sii xoojin doono cilaaqaadka labada dawladood, isagoo casuumaad u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal.
 
Isku soo wada duuboo kulanka ayaa la oran karaa muhiimadiisa ugu weyn waxay ahyd in casuumada maadxweyne farmaajo uu ufidiyay madaxweyne Cumar Albashiir la gudoonsiiyo RW Khayre.