Video:-Qarax ismiidaamin ah iyo weerar wada socda oo caawa lagu qaaday Pizza House iyo hotel Posh

Ciidamada gaarka u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan ayaa gudaha u galay dhismaha Maqaayadda Pizza House, iyadoo wali la maqlayo rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa gudaha maqaayada.
 
Howl galka oo illaa iyo hada qaatay saacado, tan iyo markii uu qaraxa dhacay caawa fiidkii ayaa la sheegayaa in ciidamada ay la dagaalamayaan dabley hubeysan oo gudaha maqaayada ku jirta.
 
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Carab ayaa sheegay in howl galku socdo, isla markaana ciidamada gaarka ay gudaha ku jiraan, ayna nadiifiyeen qeybo ka mid ah dhismayaasha.
 
Waxaa uu sheegay in inta howl galka socday ay ciidamada soo bad baadiyeen dad kala duwan oo markii hore ku go’doomay dhismaha, markii uu qaraxa dhacay.
 
Ciidamada amaanka ayaa isku dayaya iney soo afjaraan weerarkan oo aan la ogeyn inta saacadood ee uu qaadan doono,rasaas goos goos ah ayaana laga maqlayaa gudaha Pizza House.
 
Ugu yaraan 6 ruux ayaa inta la laga warqabo ku dhimatay weerarkan oo muddo saacado ah socda halka toban kale ay ku dhaawacmeen waxaana laga cabsi qabaa in khasaaruihu intaas ka bato.
 
Dadka dhintay waxaa ku jira sida wararku sheegayaan nin u dhashay dalka Siiriya, kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa Shaqaalaha hotelka Posh, waxaana sidoo kale jira Shaqaale Itoobiyaan u badan oo ay waxyeelo soo gaartay, maadaama ay tahay xili habeen ahna waxaa adag in la ogaado xogta rasmiga ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka