Madaxweyne Trump oo baaris lagu samaynayo

Dambi baaraha gaarka ah ee baaraya saameyntii Ruushka ku lahaayeen doorashadii madaxweyne ee sanadkii tagay ka dhacday dalka Mareykanka, ayaa baaritaanka ballaariyey kuna daray inuu eego haddii madaxweynaha uu is-hortaag ku sameeyey caddaaladda.
 
Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wargeysyada Washington Post, New York Times iyo Wall Street Journal, oo la hadlay dad aad ula socda baaritaanka.
 
Wargeysyadan ayaa sheegay in Robert Mueller uu qorsheynayo inuu wareysto agaasimada Sirdoonka Qaranka Dan Coats, agaasimaha hay’adda amniga qaranka ee NSA Michael Rogers iyo agaasime ku xigeenkii hore Richard Ledgett.
 
Sida ay sheegeen Washington Post iyo Wall Street Journal, Ledgett ayaa qoray xusuus qor uu kaga hadlayo taleefon uu Trump u diray Coats, kaasi oo madaxweynaha uu Coats ku weydiistay inuu si shaacsan u sheego in ololihiisa doorasho uusan xiriir hoose la lahayn Ruushka.
 
Wargeyska Washington Post ayaa sidoo kale qoray in Trump uu codsi sidaas oo kale ah u gudbiyey Rogers oo uu taleefonka kula hadlay.