Shuban biyood ka dilaacay degmada Xarfo

Wararka Naga soo gaaraya degmada Xarfo ee Gobolka Mudug,ayaa sheegay in uu degmada ka dilaacay shuban biyood.

Ilaa iyo hada waxaa geeriyooday 10 qof,sidoo kale waxaa ujiifa 40 qof oo kale sida uu noo xaqiijiyay qof deegaanka ah.

Dadka shubanka la ildaran ayaa la seexiyay Mch-ka magaalada madaama aysan degmadu lahan isbitaal.

Dhanka kale wali degmada masoo gaarin wax gurmad ah oo ka  yimid wasaarada caafimadka puntland.