Video:-Booliska magaalada Britain ayaa ka digay in laga yaabo in aysan waligood u suurtagalin in ay aqoonsadaan…

Booliiska magaalada Britain ayaa ka digay in laga yaabo in aysan waligood u suurtagalin in ay aqoonsadaan dhammaan dadkii ku dhintay dabkii waynaa ee qabsaday dabaqa dheer ee magaalada London.

Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa maalintii saddexaad ku jira iyaga oo baaraya maydad ku dhex jira dhismaha gubtay ee Grenfell Tower.

Toddobo iyo toban ruux ayaa hadda la og yahay in ay ku dhinteen balse waxaa la filayaa in dhimashadu ay intaas ka sii badato, waxaana laga cabsi qabaa in ay dhimashadu gaari karto 60 ruux.

Saraakiisha dabdamisku waxay sheegeen in aysan filaynin in dad nool oo kale la helo.

Lix mayd ayaa si rasmi ah loo aqoonsaday, balse madaxa booliiska London Stuart Cundy ayaa sheegay inaysan awoodin inay caddeeyaan qof walba.

Rai’salwasaare Theresa May ayaa amar ku bixisay in baaritaan buuxa lagu sameeyo dabkan.

Theresa ayaa intaas ku dartay in dadku ay xaq u leeyihiin inay jawaabo helaan oo ay ogaadaan sababta uu dabku si dhaqso ah ugu faafay.

Dhibbanihii ugu horreeyay ayaa lagu sheegay inuu ahaa qaxooti u dhashay Suuriya laguna magacaabi jiray Mohamed Alhajali oo 23 jir ahaa,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka