Video:-Hogaamiyihii ISIS oo laga yaabo in Ruushku dilay

Ciidamada Ruushka ayaa maanta sheegay in mid ka mid ah duqeymaha ay ka fuliyeen dalka Syria dabayaaqadii bishii May oo lala beegsaday taliyayaasha kooxda Daacish, laga yaabo in lagu dilay hoggaamiyaha kooxdaas.

Bayaan maanta ay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ay ku daabacday Facebook ayay ku sheegtay in duqeynta oo ka dhacday caasimadda kooxda Daacish ee Raqqa lala helay kulan uu ka qeyb galay Abu Bakr al-Baghdadi.

Ruushka waxa ay sheegeen in duqeynta ay burburisay taliyayaal xil sare ka haya Daacish, 30 taliyeyaal deegaan iyo qiyaastii 300 oo ah mintidiin ilaalo u ahaa taliyayaasha.

Milatariga Ruushka waxa ay sheegeen inay dhinacyo badan ka hubinayaan in al-Bagdhdadi la dilay,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka