Beesha caalamka oo ka hadashay xiisada Jabuti iyo Eritrea

Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ka hadlay xiisada ka soo cusboonaatay dalalka Jabuuti iyo Eritrea, kaddib markii Ciidamada Eritrea ay qabsadeen dhulka lagu muransan yahay ee xuduuda labada dal ay wadaagaan.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka ay sababtay inuu dib u cusbnaado khilaafkii dhanka sohdimaha ee u dhaxeeyay dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa isna sheegay inuu ka walaacsan yahay xaalada ka soo cusboonaatay labada dal, waxaa uu tilmaamay in wafdi soo baara arrintan uu u dirayo Jabuuti.

Jabuuti ayaa ku eedeysay in Ciidamada Eritrea ay qabsadeen dhulka buuraha ee Dumeira, iyadoo heegan gelisay ciidamada, waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaalo cusub uu labada dal dhex maro.

Ciidamo Nabad ilaalin oo ka socday Qatar ayaa maalmo ka hor isaga baxay dhulka buuraleyda ee Dumeira, oo howlo nabad ilaalin u joogeen, kaddib markii Eritrea ay xiriirka u jartay Qatar, iyadoo taageereysay Isbaheysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo, halka dowladda Jabuuti ay hoos u dhigtay xiriirkii diblomaasi ee ay la laheyd Qatar.

Labada dal ayaa isku heysta dhulkaas, waxaana qaraar horay uga soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey lagu go’aamiyay in labada dal dib uga gurtaan ciidamadooda, iyadoo sanadkii 2010 ciidan ka socda Qatar la geeyay, si ay u kala dhex galaan.