Damacii Cali Khaliif Beenoow!!!WQ.Jibril Qoobey.

Waxaa maanta Hargaysa ku kala saxiixday heshiis kooxdii khaatumo ee uu hogaaminayay Cali Khaliif Galayr iyo Maamulka Somaliland.

Heshiiska Cali Khaliif iyo Somaliland dhexmaray maanta kama duwana kuwii horay u dhexmaray somaliland iyo kooxihii hore ee sheeganayay in ay matalaan beesha Dhulbahante masiirkeeda,markii si kala loo yiraahdo Cali uguma horayn ugumana danbayn doono siyaasiyiinta ama shaqsiyaadka ugala somaliland oo sheegta in ay matalaan masiirka beesha Dhulbahante oo aan waxba soo kordhin.

Cali Khaliif ayaa mudaba ku mashquulsanaa sidii uu beesha Dhulbahante si buuxda ugu gacan galin lahaa maamulka beesha Isaaq ee Somaliland,balse waxaa fikirkaas si adag uga hor yimid waxgaradka,siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka beesha Dhulbahante,ugu danbayntiina waxuu Hargaysa kala cid galay koox yar oo ay wada qaraabtaan.

Dad badan oo la socda xaalka Gobolka Sool ama Beesha Dhulbahante ayaa qaba in ay guulba tahay in Cali soo afjarmo meeshii u usocdayna uu gaaro isagoon wax badan la cidgalin,sidoo kale midabkisii rasmiga ahaa soo baxo xumaantii uu kula dhex jiray Dhulbahante ay banaanka timaado oo la aqoonsado.

Shacabka Puntland ayaa u arka Gobolada Sool iyo sanaag kuwo masiiriya oo aan la dhayalsan karin xaalkooda sadex arimood awgood,kuwaasoo kala ah:-

A.Aqoonsi raadiska Somaliland oo ay ku yihiin isbaaro hortaal.

B.Mudnaanta ah in Dhulbahante yahay Beel Daarood ah oo aysan mudnayn in aan lagu daawan bahdilka beesha Isaaq.

C.Puntland iyo maqaabkeeda oo ay wax kusoo kordhinkaraan kasii mid ahaanshahooda.

Madaxweyne Gaas markii uu olalaha doorashada ku jiray waxuu uga hadlay arinta Sool si adag erayo taariikhda galayna waa u adeegsaday soo celinta magaalada Laascaanood,balse hadaladisii ma noqon kuwo ficil isu badalay,inkastoo uu siyaasiyan kala daadiyay waxii laysku oran jiray Khaatumadii salka weynayd kuna soo koobay koox yar oo Cali ku qaraabto,sidoo kalena Cali khaliif uu kasoo xiray albaabo badan oo dhanka beesha caalamka ah iyo dawlada Fadaraalka.

Madaxweyne Gaas waxuu ku maareeyay xaalka Sool si siyaasiyan ah wax ficil ahna ma qaadin,guulna waa ka gaaray taas,inkastoo aysan ku filnayn maaraynta xaalka Gobolkaas siyaasad oo kaliya.balse waxuu kaga wanaagsan yahay sida uu uwajahay xaalka Gobolka Sool madaxweyne faroole oo haba yaratee aan talaabo uqaadin mid siyaasadeed iyo mid awoodeedba,taa badalkeedana xiriir wanaagsan la yeeshay Somaliland ,dhulbahantana tusay fogayn iyo la xisaabtan aan loo baahnayn.

Isku soo wada duuboo waxaa la tabayaa doorkii Puntland,waxayna dadka reer Puntland intooda badan jeclaan lahaayeen in Dawlada Puntland ay qaadato ama muujiso door ka firfircoon kan hada ay ku leedahay Gobolka Sool.

Waxaan qormadayda kusoo afmeerayaa tixdan gabayga ah ee uu tiriyay Gabyaagii weynaa rabi ha unaxariistee ee Maxamed Cumar Dage isagoo u jawaabaya isla Gabayaagii weynaa ee Cali Dhuux rabi ha unaxariistee :-

Darxumoode nimankii fadhiyey dadab Nugaaleede
Dulligaa Dhulbahantoow qabtaan Dooyna laga sheeg dheh
Halkii Xaajigii lagu deldelay kama danbaysaan dheh

Sidii Xaw laxdiisii dubtaad ugu dul meertaan dheh
Arladuu dangiige u ahaa lagu dabayshoo dheh
Isagu Aakhiruu degey Ilaah deeqi haw furo’e

Maxilaha dumaasha u hadhay dacari haysaaye
Agoomaha ilmada duugayiyo dumarka ooyaaya
Dawlaabta naaga xidhay iyo duubcadkiyo weerka

Kuma diilalyoodaan kuway dir u wadaageen dheh
Dabka iyo magliga waa sitaan la isku dooxaaye
Ma dad yara’e Eebaw xugmiyey inay dulloobaane

Hadday fara wax daawaynayaan duud dhanbaa hadhiye
Digta kama jalaadeen hadday dirir ku quustaane
Dulligay ku raaliga noqdeen lalama doonayne

Ku dikade dilkii Ina Cammey daayinbaa jira’e
Damqan maayo reer Faarixii damaca waallaaye
Axmed Cigena duugoow haddaan lagu danbaabayne

Ararsame dagaal kuma jiroo daacad waa noqoy dheh
Cali Gerina waayadan ka dawr dil iyo laystaan dheh
Allow deyey nimaan diin lahayn oo dariiqa ah dheh.

Jibril Qoobey.