Gudigii qiimaynta xaalada Af-urur oo dib ugu soo laabtay Bosaso

Gudigii loo xilsaaray soo qiimaynta xaalada deegaanka Af-urur ee dhawaan uu ka dhacay weerarkii gaadmada ahaa ee slahabaab ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Bosaso.
 
Gudigan oo iskugu jira wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa dhawaan madaxweyne Gaas magacaabay waxayna qiimayn kusoo sameeyeen xaalada deegaanka iyo sidoo kale Saldhigyada ciidamada,waxayna la tashiyo lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka ee ku sugan aaga Galgala.
 
Gudigan ayaa hada soo gaaray Bosaso iyagoo wata xog buuxda oo ku saabsan xaalada deegaamadaas iyo sida ugu haboon ee looga adkaan karo ama lagu sifayn karo kooxahah argagixisada ah.
 
Gudigu waxay maanta kulan la qaadan doonaa maamulka Gobolka bari,kadibna waxay u anba bixi doonaan dhanka caasimada Puntland ee garowe si ay xogta ay soo uruursheen gacanta uga saraan madaxweyne Gaas.
 
Alshabaab ayaa shalay barahooda u faafiya dacaayadaha waxay kusoo bandhigeen sawiro muujinaya gaadiid ay lahayeen ciidamada difaaca Puntland oo ay gubeen iyo calankooda madaw oo ay ka taageen saldhiga Af-urur.